Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xaliyay tabashadii Iskaashatada Kawaanka ee Degmada Cabdicasiis

Date:

Muqdisho September 30  (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kaluunka ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhageystay cabashada Iskaashtada,isagoo amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo bilaabo, maamulka Banaadir iyo Hay’adaha ammaankuna diyaar u yihiin sidii wadajir looga shaqayn lahaa xalinta tabashadooda.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ammaanku mar walba waxay u taagan yihiin xalinta cabashada bulshada,Kawaankiina waa idiin furan yahay, hadda wixii ka danbeeyana waa in wadajir looga shaqeeyaa maslaxadda guud, gaar ahaan badqabka xeebta Liido oo aad muhiim u ah”.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula dar-daarmay Iskaashatada Kaluunka in laga fakero mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed ee u soo dabaal taga Xeebta Liido, lagana ilaaliyo wax walba oo khatar keeni kara, gaar ahaan dhiigga Kaluunka ee ku data xeebta, kaasoo keena in Libaax badeedku soo raaco.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Kaluunka ayaa sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta nadaafadda deegaanka, isagoo uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-furidda kawaanka oo maalmihii la soo dhaafay aan shaqeynayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...