Ciidanka Xoogga Dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose

Date:

Muqdisho September 30  (SNTV);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo kaashanaya kuwa Darwiishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Gobolka Jubbada Hoose kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayeen Maleeshiyada Al-Shabaab.

Howl-galadan ayaa la sheegay in ay bilowdeen saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ay ku qaadeen  ldeegaanna ku teedsan degmada Jamaame, iyagoo gacanta ku dhigey dhammaan deegannada hoos yimada degmadaasi.

Deeganada ay ciidamadu la wareegen waxaa kamid ah Bangiini,maana muufo iyo koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Generaal  Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah lataliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhanka ammaanka ayaa sharaxad ka bixiyay howlgalada ciidamadu ay ka fuliyeen deegaanadaasi.

“Hadda maanta koban baa la joogaa ciidanku Baar-sanguuni wuu ka tagay,howlgalkaasi gurmadkiisa iyo u diyaargarowgiisi iyo ciidankii horaydaasi jiro haday wax soo gaaraan u gurmashadooda ka mid bay ahayd,hadana wax qasaare ah 2 will oo dhaawac ayaa naloo sheegay,iyagana 5 qof ayaa laga dilay mooto ay wateena waa laga qabsaday,hoobiyaal in ay soo ridayeen baa la ii sheegay”. Ayuu yiri Yuusuf Dhuumal.

Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in Gabi ahaanba iskaga baxeen degmada Jamaame kadib markii ciidamadu ay labo jibareen weeradada ka dhanka ah al shabaab tasoo keentay in ay iskaga baxaan guud ahaan degmada jamaame iyo tuulooyinka hoostaga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...