Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta ku Qaabilay Xafiiskiisa Xubno uu Hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira .
Waxay ka Wada hadleen Siddii loo dar dargalin lahaa Howl-galka ka Dhanka ah Alshabaab Ee Ay Gobalada Dalkaย ka Socda.
Danjire Francisco Madeiraย ayaa ku ammaanay dawladda Federalka Soomaaliya Gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga goโantahay Xoreynta Goobaha ay ku Sugan yihiin Haraadiga Maleeshiyaadka Alshabaab
โwaa Talaabo Wanaagsan oo hore loo qaaday Howl-galka ka Socda Labada Shabeelle, Gedo, Baay iyo Bakool ee lagu Xoreeyay Deegaano badan oo Dadka ay ku Dhibaateyn jireen Kooxda Ashabaab โAyuu yiri Danjire Francisco Madeira
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay u Diyaar garoobeen Qorshaha Kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo Soomaaliya.



