Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey dadaallada Xukuumadda ee dib u habaynta hannaanka maaliyadda

Date:

Muqdisho, Sebtembar 26, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

“Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...