Ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka oo gudoomiyey Shir looga hadlayay Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Guddoomiyeyay Shir looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka labaddii biloodba mar ayaa laqabtaa waxaana looga hadlaa qodobo ay kamid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimadda iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ah.

Waxaa shirka ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, Dowlada Goboleedyada,Ururadda Bulshadda rayidka iyo deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaar ah  u taageera.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa sharxay muhiimadda shirka iyo waliba waxa looga gol leeyahay.

“Waxaan saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo Beesha caalamka safiirka Sweden iyo mas’uuliyiin kale oo beesha caalamka ka socda,shirkaan waxaa lagaga hadlayay arrimaha amniga,qorshaha amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha amniga Qaranka oo ah la dagaalanka Fikirka Xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa Bulshada Soomaaliyeed dul qaad iyo wada hadal wax la yiraah loo sameyn lahaa,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ,waxaana dhanka Dhaqaalaha ka taageereyso Dowlada Sweden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...