Maxkamadda Ciidamada oo xukuna kula duwan ku riday lix eedeysane oo midi maqan yahay.

Date:

Beledweyn (SNTV)- Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacabย  ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayayย  Mahad Xuseen Shiidow oo maalin ka hor wada bajaajle ku dilay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Khubarro baarayaal ah oo Muqdisho kaga yimid dhacdadan, wakiilna ka ahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana sii baaray dhacdadan,ย  waxa ayna baaristooda ku ogaadeenย  kaalimihiiย  ayย  kulahaayeenย  wixii dhacay eedaysanayaasha loo soo xiray dacwadaย  iyagoo khubaradu u gudbiyay gabagabada baaristooda ย xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa u gudbiyay maxkamadda eedda ka dhanka ah lixda eedaysane iyagoo ย soo bandhigay cadaymo laga qorayย  eedeysanayaasha, wuxuu sidoo kale Maxkamadda horgeeyay xafiiska xeer ilaalintaย  Markaatiyaal deegaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada ay ku dhinteen Laba ruux midna uu ku dhaawacmay.

Maxkamadda oo ka duuleysa arrimahaasi ayaa ugu dambeyn goโ€™aan kasoo saartay Lixda eedeysane oo mid maqan yahay.

Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere)ย  oo ka tirsanaa guutada Shanaad,ย  qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay in uu ahaa shaqsiga dilkaย  geystay waxa aynaย  ku xukuntay Dil toogashaย  halka Aadan cali cilmi, ย Burhaanย  yusuf nuur, Cabdifitaax bedel qoofiyow iyoย  Maxamed cali cilmi ay kuwada xukuntay Min Shan (5)-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda ayaa ย sidoo kale amartay in xabsiga laga siiย  daayo Maxamed yuusuf tifow ย hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu u sheegay Warbaahinta Dowladda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kaleย  hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey...

Tartameyaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo...

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...