Marwo Fowziyo Abiikar Nuur” Annagoo la kaashaneyneyo bahda caafimaadka waxaan soo celineynaa nidaamkii Wasaaradda Caafimaadka,”

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);-Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay Xaflad lagu caleema saarayay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,waxaana ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka “WHO”bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka.

Ugu horeyn,Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi aqoon buuxda u leh howsha uu bulshada u hayo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa marka hore soo dhoweeysay Prof: Maxamed Yuusuf Ibraahim Guuleed oo mar labaad loo doortay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed,waxayna hoosta ka xariiqay in Wasaaradda caafimaadka go’aankeeda uu yahay in si dhow ula shaqeyso Guddiga Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa inaan soo celino systemkii Wasaaradda caafimaadka,annagoo la kaashaneyno dhaqaatiirta iyo dhammaan bahda caafimaadka,Cisbitaalada inaan la wareegno waa qeyb ka mid ah horumarka Dowladda si aan ugu helno dhaqaatiirka meel ay ku tababartaan,” ayay tiri Marwo Fowziyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...