Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Galmudug

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...