Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamedย  ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanahaย  Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday .

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xooggaย  iyo ka qeyb qaadashada dibย  udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale