Amiirka dalka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Qadar

Date:

Muqdisho (SNTV);- Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar,waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in waxyaabaha uu kala hadlay amiirka dalka Qadar  Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ay ka mid tahay in Soomaalida gudaha iyo dibadda ku nool loo furo ciqaamada dalka Qadar si halkaasi uga shaqeystaan.

Wuxuu sheegay danjiraha in codsigaasi oo markii ka hore ka yimid madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo uu aqbalay amiirka dalka Qadar,islamarkaana isla goobta uu amar lagu fasaxayo ciqaamada ku bixiyay,maalmo gudahoodna qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka helaa dalka Qadar ay ciqaamada u furan tahay,islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu danbeyntii,safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb: C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...