Maamulka G/Banaadir oo bilaabay Ololaha ka hortaga dokumentiyada Been Abuurka ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyey howlgalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan Dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah.

Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...