Maamulka G/Banaadir oo bilaabay Ololaha ka hortaga dokumentiyada Been Abuurka ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyey howlgalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan Dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah.

Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...