Kuwait oo bogaadisay dadaaalada Madaxeynaha JFS ee Geeska Afrika

Date:

Kuwait  (SNTV)– Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwait u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Mansour Al-Otaibi ayaa Khamiistii aynu soo dhaafnay soo dhaweeyay dadaaalka Madaxeynaha Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo ee ku-wajahan Nabad ka Islaaxinta wadamada Geeska Afrika.

Hadal uu ka horjeediyay ergayga kulanka Xubnaha Golaha amaanka ee Qaraamada Midoobay ayaa wuxuu bogaadiyay horumarka ka socda mandiqada Geeska Afrrika ee dhinaacyada Nabadda, amniga iyo Siyaasadda xiligan ay higsanayso.

Danjire Mansour Al-Otaibi wuxuu si gaar ah u soo dhaweyyay dowrka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka qaatay horumarinta iyo dib u soo celinta xiirada  Etihiopia, Ereteriya iyo Jabuuti iyo kulankii dhex maray dhawaan wasiir arrima dibadeedka sadaxdaasi Dal kadib markii uu Madaxweynaha uu booqasho taariikhi ah ku tagay Dalalkaasi.

Mudane Ambassador Mansour Al-Otaibi ayaa intaa raaciyay inuu aad u soo dhaweynayo dadaalka xukuumadda Somalia ee la xiriira wanaajinta dhaqaalaha iyo ka gudbidda dhibaatooyinka ku hareeraysan,isagoo Jaamacadda Carabta  iyo ururada kale ee Caalamiga ugu baaqay inay Soomaaliya taageeraan si ay uga gudubta caqabadaha ka jira.

Ergayga gaarka ee Dowlada Kuwet u fadhiya Qaraamada Midoobay wuxuu kaloo sheegay in kulankii 150-aad ee Golaha wasiirada Jaamacadda carabta ee todabaadkii tagay lagu qaabtay magaalada Qaahira loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda carabta inay taageeraan Dowladda Soomaaliya si loo sii xoojiyo Nabadda iyo horumarka ay hiigsanayso.

Mudane Ambassador Mansour ayaa soo dhaweeyay go’aanadii shirkii Magaalada Brussels  ee la qabtay bishii julay ee Sanadkan kaasoo ay Dowladda Kuwait ka qeyb gashy laguna taageerayay qorshaha kala guurka Somaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...