Soomaaliya oo Ergey cusub loo soo Magacaabay

Date:

New Nork-(SNTV)-Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub.

Mr, Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika u Magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.

Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u fadhiya Waddamada Suudaanta Waqooyi iyo tan koofureed wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale kaaliye howl-galka QM ka soo noqday Dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii...

Xubinnimadda Soomaaliya ee Golaha Amaanka QM oo si rasmi ah u bilaabatay 54 kadib 

Xubinnimadda Soomaaliya ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (QM)...

Odayaasha dhaqanka Sooomaaliyeed oo kulan ay yeesheen kasoo saareen Baaq Nabadeed

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan weyne ku qabtay xarunta...