Madaxweynaha Sudan oo kala diray Golihii Xukuumadda

Date:

(SNTV)-:Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir,ayaa kala diray golihii xukuumadda,si uu wax uga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Hadal uu Madaxweynuhu soo saaray saacidihii dambe ee shalay,ayuu ku sheegay in taallaabada uu qaaday ay ku jiraan sidii golaha Wasiirada looga dhigi lahaa 21-xubnood,halka ay horay u ahaayeen 31.

Omar al-Bashir ,ayaa intaa raaciyay in uu dhisayo dowlad mar kale soo celisa rajada dadka Sudan,isla markaana wax ka qabata dhaqaala xumida ka jirta dalkaasi.

Tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha ayaa lagu macneeyay mid uu ku xallinaayo xaaladda murugada leh iyo niyadjabka soo wajahay dalka Sudan,gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin...

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija...

Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo yeertay safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin...

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta...