Midowga Afrika oo Soomaaliya iyo Itoobiya ku amaanay dadaallada nabadeed oo ay wadaan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan Waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay ku doonayaan in xal kama damebys ah looga gaaro colaadda u dhaxeysa dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa qoraal uu ku qoray Bartiisa Twitterka ku sheegay in uu u soo dhaweeynayo dadaalka xoogga leh ee diblomaasiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.

Waxaa uu Musa Faki intaas ku daray in booqashada Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku tageen Eritrea shantii Bishan oo ay xigtay booqashada Wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea,Somaliya iyo Itoobiya ku tageen Jabuuti  ay tahay wax aad loogu farxo lana bogaadiyo.

Mr Faki Maxamed ayaa ku waaniyay dalalka geeska Afrika ee afarta ah in ay sameystaan iskaashi dhaqaale,amaan iyo mid Ganacsi oo xoog leh,  meelna iska dhigaan wax yaabaha murannada yar yarka ah ee u dhaxeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...