Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir

Date:

Muqdisho September 9 (SNTV):-Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiye Yariisow kulanka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Shakeeti iyo Xoghayaha guud ee gobolka banaadir Mudane Cumar C/risaaq.

Guddiga ayaa masuuliyiinta gobolka banaadir su’aalo ka weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada ay xafiiska joogaan.

Sidoo kale guddiga ayaa weydiiyay qorshayaasha maamulka gobolka ay u diyaariyeen hormarinta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.

“ Maamulka gobolka waxa uu diyaar u yahay in su’aalo laga weydiiyo oo lagula xisaabtamo shaqada uu hayo, xubnaha guddiga waxa ka codsanay iney nagala shaqeeyaan hormarinta iyo suggida amniga caasimadda”. ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wax ka weydiiyeen qorshe howleedkooda.

“ Arrimo muhiim ah ayaan ka wada hadalnay, waxaa ka dhageysanay warbixin ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxyaabo baahiyo ahn oo ay   noosoo gudbiyeen waxa la wadaageynaa cida ay khuseyso si wax looga qabto”. ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku balamay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga iyo hormarinta caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...