Wasiirka Warfaafinta XFS “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaadda Jabuuti iyo Eritrea”

Date:

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daahir Maxamuud Geelee oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Madaxda wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax wada qabsi iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa, iyadoo ugu danbayntiina hoggaamiyaasha ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Afar qodob.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay ku sii jeedaan Waddanka Jabuuti, iyagoo halkaasi u tagaya sidii loo soo afmeeri lahaa colaada muddada dheer u dhaxaysay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

“Dadaaladaan lagu dhamaynayo colaada wadamada Eritrea iyo Jabuuti waxay ka soo bilawdeen safarkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Eritrea, ka dibna uu tagay dalka Jabuuti isagoo la wadaagay wadahadaladii Asmara iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhamaynta colaada labadaan dal.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Geele.

“Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ka dhaxayeeya wax yar oo la qiimayn karo maaha, Soomaaliya waxay kaalin mugleh ku lahayd in Jabuuti ay noqoto dal madax banaan, Jabuutina waxay dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbayeeyay ay dadaal badan ku bixisay sidii Soomaaliya ay Nabad u noqon lahayd, maanta waxaa la soo gaaray markii Soomaaliya ay celin lahayd qayb ka mid ah abaal kaas, oo ay ka shaqayn lahayd Jabuuti oo nabad hesha.” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Daahir Maxamuud Geelle

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii dowladaha gobalka ay ka gudbi lahaayeen kala qaybsanaanta iyo colaadaha isla markaana loo gudbi lahaa wadajir iyo iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...