Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda

Date:

Muqdisho, September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.

Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.

Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.

Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan ka dhagaystay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...