Dowladaha Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya oo ka wada hadlay arrimaha ka dhextaagan Jabuuti iyo Eritrea.

Date:

Asmara(SNTV):- Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eritrea ayaa waxaa ka dhacay shir sedex geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya, iyadoo hoggaamiyaasha dalalkani ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya AXmed Ciise Cawad  oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac,si loo soo afjaro xisadaha labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshayaal lagu hirgelinayo ka faa’idaysiga heshiisyo caalami ah oo horey looga gaaray wadamo uu kamid yahay Shiinaha,halkaasi oo dhawaan lagu soo geba gebeeyey shirka iskaashiga Shiinaha iyo Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...