Muqdisho (SNTV)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Xubno Ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa Ka qeyb galay aas qaran oo maanta magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan oo ah Hooyadda dhashay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh.
Sidoo Kale Waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Oo uu ugu horeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna Katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed, odayaal dhaqameedyada Magaalada iyo Eheladda Marxuumad Maama Haajira
Aaska kadib mas’uuliyiinta, waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii Ka qeybgashay ayaa kulan duca ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuumad maama Haajira waxaana ay Alle Uga Baryeen In Janatul-Fardawsa uu ka waraabiyo.
Alle ha u Naxariisto maalinimadii shalay ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay, maanta oo Axad ah ayaa aas qaran loogu sameeyay magaaladda Baydhabo.