Maqalka Radio Muqdisho oo ka tallaabay goballada dariska la’ ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ka dib markii Dawladda Soomaaliya  ay dhawaan fulisay mashruuc lagu balaarinayao maqalka Raadiyo Muqdisho si loo gaarsiiyo fariinta Dawladda Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa hadda lagu guulaystay in Idaacadda maqalkeedu uu si fasiix ah u gaaro Dhul aad u balaaran oo horay aanay Shucuubta ku nooli u helijirin fariinta Dawladda.

Idaacadda ayaa hadda si dhamaystiran isugu fidisay Gobalada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo qaybo ka mid ah Gobalada Baay iyo Hiiraan oo si toos ah looga dhagaysanayo Codka laga tabinayo magaalada Muqdisho.

Qorshahaan oo uu hormuud ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Ambbasdor Daahir Maxamud Geelle oo fulinayo Qorshaha Madaxda Qaranka ee ah in la xoojiyo Qalabka Warbaahinta Qaranka si loo Wacyigaliyo Bulshada Soomaaliyeed loogana hortago Marin-habaabinta Argagixisada ayaa Wajigiisa koowaad ee Radio Muqdisho waxa uu suurtagal ka dhigayaa in Shacab badan oo ku hoos nool Argagixisada uu awood u yeesho in uu helo fariimaha xaqiiqada.

Qorshahaan waxa uu sidoo kale fursad u yahay dhalinyarada ay marinhabaabiyeen Al-shabaab oo awoodi doona in ay helaan fariimo ka duwan kuwa ay usheegaan Horjoogayaashooda ee ku dhisan beenta taas oo u saamixidoonta in ay ka haraan Aragtida qalafsan ee Argagixisada.

Mashruucaan waa mid ay si dhamaystiran u maalgalisay Dawladda Soomaaliya, waxaana ku xigidoona wajiyo kale oo maqalka idacaadda Qaranka lagu gaarsiinayo Dalka oo dhanka.

Barnaamijyo Tijaabo ah oo ka baxay Radio Muqdisho isla markaana ahaa Sahan lagu ogaanayay gaarista Codka Dawladda ee Bulshada ayaa ka helay Falcelin Dhagaystayaal badan oo jooga Magaalooyin ay ka mid yihiin, Marka, Wanlawayn, Jawhar, Buurhakaba, Halgan iyo goobo kale, taas oo muujinaysa in si toos ah ay Dadwaynuhu hadda u helayaan Fursadaas.

Tani waa tilaabo ay Dawladdu u qaaday dhanka adeegyada ay siiso Bulshada Soomaaliyeed, waxeeyna biloow u tahay Mashaariic dhawr ah oo lagu xoojinayo adeegyada Warfaafineed ee Dawladda Soomaaliya.

Waxaa Iyana meel gabangabo ah maraya Dhismaha Istuudiyayaal Casri ah oo ay MAALGALISAY Dawladda Soomaaliya kuwaas oo lagu soo kordhiyay TV-ga Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...