Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka, ayaa maanta guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dib uu eegista iyo la socodka dastuurka dalka gaar ahaan dhowrka cutub ee uu guddiga ka shaqeeyay, Waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Mxamed Mursal Sheekh Sheekh Cabdiraxmaan.

Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in labada guddi ay is dhaafsadeen talooyin muhiim ah oo la xiriira howsha dastuurka halka ay mareyso.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka, ayaa sheegay in dastuurka dalka uusan mashruuc aheyn, balse uu yahay masiir Ummadeed, loona baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro sida uu sheegay habdhowraha golaha shacabka.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka dalka, ayaa dadaal ugu jira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana wada shaqeyn toos ah ay kala dhaxeysaa guddiga joogtada ah ee golaha iyo guddoonka golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...