Shaqaale ka tirsan Hayโ€™adda Duulista Hawada oo Tababar loo furay

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Shaqaalaha tababarka qaadanaya ayaa ka koobnaa 16 iyadoo 7 ka mid ay ahaayeen Howl wadeenoย ay dhaleen shaqaalihii ka howgali jiray Hayโ€™adda Duulista Hawada xilligii Dowladii dhexe.

Qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayay ayaa wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kaga mahad celiyay doorka ay ka qaadatay inay tababar helaan, iyagoo ku tilmaamay mid kuso kordhinaya aqoon iyo tayo wanaagsan.

โ€œwaxyaabo badan ayaan ka faa,iidnayย  waxaana uga mahadcelineynaa sida wasaaradda ay ugu howlantahay hormarinta xirfada shaqaalahaโ€

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaaboow ayaa xusay in ay soo diyaariyeen shuruucdiiย Maamulka Hawada uu horay ulahaa dalka ismarkaana ay ku wareejinayaan Mareeyaha.

โ€œWaxaan diyaarinay shuruucdii maamulka hawada ee uu horay ugu shaqey jiray waagii Dowladi dhexe waxaana ku wareejineynaa Maareeyahaโ€.

Tan iyo 1991 Burburki Dowlada Dhexe ee Dalka waa tababarkii ugu horeeyay oo nuucaan oo kale ee loo qabto Shaqaalaha Hayโ€™adda Duulista, wuxuuna u leeyahay ahmiyad gaar ah sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.

โ€œMuhiimada gaar ayay inoo leedahay tababar noocaan oo kale in ay helaan shaqaalaha islamarkaana waxay fursad inoo siineysaa sida garoonka diyaaraha uu ula jaan qaadi lahaa garoomada deriska iyo kuwa caalamka waxaana gaarsiin doonaa dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Dowlada Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay maamulkeeda hawada ayaa hada ku Howlan tababarida Howl wadeenada ka shaqeeya Qeybaha kala duwan ee Hayโ€™adda Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale