Maleeshiyada Al shabaab oo ku dhumalaysanay qaybo kamid ah deegaanadda Gobolka baay ayaa ciidamadda xoogga dalka waxay guluf Dagaal ku qadeen gobah ay ku sugnayen kooxda yar ee haradiga ah Al shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Dowladda ay heegan buuxda ayaa ugu jiran sidi lo daba jari laha haradiga kooxda waxaanna suurta gashay in si deg deg ah looga hortago dhibaatadii maleeshiyaadkaas ay ka geystan deegaankaasi.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay jiraan Argagixiso ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay,balse ay khasaraaha dib ka faah-faahin doonaan.
Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo ku yaala Bariga magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaas ay kala firxadeen, Ciidanka xoogga dalka ayaa u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed.