Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka oo kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Xoogga dalka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay Cisbitaalka Xoogga Dalka,isagoona u kuur-galayay xaaladda iyo habsami usocodka Howlaha Cisbitaalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah.

Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga, islamarkaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.

Dhinaca kale, Taliye Indha-Qarshe waxa kale uu kormeer ku tagay Villa Baydhabo, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, waxaana Salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka,wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka sareeyo Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen.

Ugu dabeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilimi ayaa ku dhiiri galiyay Hogaanka Saadka in uu sii laba jibaaro shaqada si loo gaaro isku filnaasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...