Ciyaaraha degmooyinka Galmudug oo furmay

Date:

Gaalkacyo (SNTV)-Daahfurka Ciyaaraha Degmooyinka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug iyo Guddoomiyaasha Cadaado,Balanbale, Cabudwaaq iyo Hobyo ayaa kamid ahaa Madaxda ka qeyb gashay furitaanka Ciyaaraa degmooyinka Galmudug.

Tartankaan u dhaxeeya Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ย si rasmi ah kaga furmay Xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug Abshir shiikhoow isagoona dhinacyadiisa ay joogeen Maayarka magaalada Gaalkacyo mudane Xirsi Yuusuf Bare iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta Galabta ka dhacday Garoonka ku badda Cagta ee loogu magac daray Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamed aya waxaa foodda is ย daray Degmooyinka Balanbale iyo Gaalkacyo oo koobka marti galisay.

Kulan Ciyaareedka xiisaha badnaa ee Galabta dhexmaray Ciyaardooyd Balanbale iyo Cabudwaaq ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 2

Tartanka oo ah mid xiiso gooniya leh ayaa Maalinka Berritaย  waxaa isku arki doono Degmooyinka Hobyo iyo Cadaado oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...