Muqdisho (SNTV)- Waxaaย ย si rasmi ah garoonka Banaadir uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay kasoo qayb galay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo marti sharaf kale.
Ka hor bilowga ciyaarta waxaana garoonka Socod kusoo maray ciyaartoyda 17ย degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah fray Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.
Kulanka furitaanka oo ay ku loolameen degmada Waaberi oo difaacaneysa koobka degmooyinkaย iyo Degmada Dharkeenleey waxaana waqtigii loogu talo galay ay guusha 2-0 ku raacday Waaberi oo 10 laacib ku ciyaaraysa kadib markiiย laba kaarย ย casaankaย ย u taagay garsoore Siyaad oo ciyaarta dhex dhexaadinayay, waxayna sidaasi 3 dhibcood hogaanka ugu qabatay Group A.
Maantaย oo sabti ah waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka kala dhici doona garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha.
Yaaqshiid iyo shangaani oo Group kujira ayaa garoonka Jaamacadaha ku ballansan , halka Hodon iyo Warta Nabadda ay isaga hor imaan doonaan garoonka Banaadir
Saacadda: 3:30 Pm.

