Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale ka joojiyay Falastiin

Date:

Muqdisho August 25 (SNTV):– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in in ka badan  $200m (£155m) oo ah caawimaad dhaqaale oo Mareykanka u qoondeeyay Magaalada Gaza iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta loo weeciyo meel kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka  ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay markii dib-u-eegis lagu sameeyay dhaqaalahaas in uusan ku bixin hanaan waafaqsan danaha qaranka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa jimcihii sheegay in la gaaray go’aanka dhaqaalihii Falastiin la siin jirey lagu weeciyay hase yeeshee afhayeenku ma sheegin halka lacagtaas lagu bixin doono.

Horey Mareykanka waxaa ay hakiyeen  $65m oo la siin jirey hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Xiriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Mareykanka ay ayaa adkaa tan iyo markii Trump uu qabtay talada wadankaas,

Waxayna arrinta sii xumaatay markii Madaxweyne Trump bishii December sanadkii 2017, uu caasimadda Isreal u aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, iyadoo Falastiiniyiintu Mareykanka u eedeeyeen in uusan dhex dhexaad ka noqon karin qadiyada Falastiin.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale, hakiyay caawimaadii dhaqaale ee la siin jirey Falastiin.

Go’aankaas ayaa waxaa walaac ka muujiyay Falastiiniyiinta iyo laanta QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin, waxayna sheegeen in nolasha ay ku adkaaneyso muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah.

Si kastaba, saraakiisha Amerikaanku qorshaha kuma darsan dhaleeceynta caalamka ugu imaan karto joojinta kaalmadaas la siin jirey dadka ku nool Gaza oo markii horeba nolashada ku adkeyn.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...