Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan duleedka Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo ay  weliyeen taliye ku xiggeenka koowaad ee Booliska S/guuto Saciid Axmed Kadiye iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Ciidanka ammaanka ee ku sugan duleedka magaaladda Muqdisho.

Kormeerka, ayaa ka bilowday Deegaanka Gubadleey, Shineemo Cabdi Waayeel, Saldhigga Degmadda Heliwaa, fadhiyada Ciidanka ee degmadda Deyniile, Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Jaziira, waxaana Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa la qadeeyey Ciidanka Ammaanka,  waxaana kormeerkaan uu ahaa mid lagu dhiir gelinayo Ciidanka, sidoo kalana  lagula qeybsanayo farxadda Munaasabadda maalinta Seddexaad ee Ciidul Adxaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”,  ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Ujjeedka Kormeerka ay maanta sameeyeen, isaggoo xusay inay u kuur galayeen sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo la hadlay Ciidanka ku sugan Kontaroolada laga soo galo Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka ay ku  ammaanayaan  Xaqiijinta Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...