Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed  Admiral; Xasan Nuur  oo dhawaan loo Magacaabay ayaa xilkaasi si buuxda ugala wareegay Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22 Augost, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta Dowladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay taliyihii hore ee ciidamka Badda Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow) wuxuuna kula dardaarmay Ciidanka ilaalada Badda iyo Saraakiishooduba in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub una feejignaadaan howsha culus ee u taalla.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiral ; Xasan Nuur ,ayaa  sheegay in uu halka hadda ay  marayaan  howlaha taliska Ciidanka ilaalada Badada uu wax ku soo kordhin doono, isagoo uga mahadceliyay taliyihii hore kaalinta uu ka qaatay dib u dhiska Ciidanka Badda.

Madaxa hoggaanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto; Maxamed Maxamud Xasan Qafow ayaa ka hadlay muhiimadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu u leeyahay Dalka,  isago tilmaamay in Ciidanka ilaalada  Badda ay u taallo howl culus , loogana baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan oo ay ka hortagaan kooxaha ka qowleysta Baddeena.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkanba wadday dedaallo ay ku dhiseyso tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo helo ciidan awood leh, markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka iyo boobka ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Biyaha Soomaaliya iyo tacaddiyada ay geystaan Kooxaha Burcad badeedda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo bogaadiyay kaalinta howlwadeenada haweenka ee Hay’adda

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle...

DF iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta...

Wasiir Roobow”Kabul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muqtaar Roobow oo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada xildhibanadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...