Mareykanka oo xubno sare ka dilay Al-shabaab

Date:

Taliska ciidammada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay dileen laba xubnood oo muhiim u ahaa Al-shababaab kaddib duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

War laga soo saaray taliska ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar la qorsheeyey ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka meel 44km duleedka bari ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Weerarka waxa uu bartilmaameedsanayey laga horjeegeyaal sare ka ahaa Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, waxaan ku guuleysannahay in labadaa xubnood ay dhintaan, isla markaana la waxyeelleeyo malleeshiyaad badan oo ku sugnaa goobta ay duqeynta ka dhacdey” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska AFRICOM.

AFRICOM ma sheegin magacyada labada  horjooge ee ay ka dileen Al-shabaab,  ciidammada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa wadajir isaga kaashada weerarrada gaarka ah ee lagu dilo horjoogeyaasha sare ee Argagixsada Al-shabaab.

Dhammaadkii Bishii June  ciidammada Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay  dilaan horjoogeyaal halka kuwa kalena ay dhaawac culus gaarsiiyeen, kaddib markii ay qaadeen howlgal loogu magac daray Howlgalka Haddiyadda Xorriyadda.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...