Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka guddoomay qalab xafiiseed loogu talagalay inuu ku shaqeeyo Golaha Murtida iyo Wacyigalinta ee (National Theatre) qalabkaas oo sameyntiisa uu hore u amray Madaxeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomalaiyeed S/gud Bashiir Maxamed jaamac ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan ka badali doono howlaha Tiyaatarka Qaranka, sharaf gaarana ay u tahay in qalabkan ay wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya amarkii Madaxweynaha.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ayaa bogaadiyay waxsoosaarka Warshada Ciidanka Asluubta oo ay ka hawlgalayaan Maxaabiista kujirta xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in dib u howlgalinta Tiyaatarka Qaranka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qalabkan ay ku warejiyeen, isagoo xusay in farxad gaara ay u tahay in Madaxweynaha Dalka uu ahmiyad gaar ah siinayo soo nooleynta Tiyaatarka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...