Ra’iisul wasaare Kheyre oo soo gaba gabeeyey La xisaabtanka Sanadlaha ah ee Wasiirada+Sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga 2aad ee Barnaamijka uu kula xisaabtamayey xubnaha Golaha Wasiiradda  ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Wasiiradda maanta Ra’iisul wasare khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , wasiirka  shaqada iyo Arrimaha bulshadda, wasiirka  xanaanada xoolaha , wasiirka Boostadad iyo isgaarsiinta , wasiirka Amniga iyo wasiirka  Ganacsiga iyo warshadaha , isagoo  wasiir kasta  oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigaey waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha xukumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiiradda balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyada u haysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...