Ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay magaalo madaxda Gobolka Shabeellaha hoose ee Marka.
Ciidanka ammaanka ayaa hawlgal qorshaysan kula wareegay magaalada Marka oo dhacda goob Istiraatiiji ah, waxaana haatan ciidamadan oo uu hogaaminayey ammaanduulihii hore ee xoogga dalka Jeneraal Cabdulaahi Cali Canood ay wadaan baaritaan amniga lagu xoojinayo
Xarunta maamulka gobolka, Saldhigga Booliska iyo laantii Bankiga dhexe ee magaalada Marka ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamadu haatan joogaan, waxaana meelaha qaar ay ka saareen miinooyin ay maleeshiyada Al-shabaab ku aasen.
Magaalada Marka waxaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ku sugnaa maleeshiyada Al-shabaab iyo dabley qabaa’ilada deegaanka ah, balse hadda ayaa la doonayaa in nidaamka dawladnimada la xoojiyo marka la nabadeeyo.