Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay hirgelinta heshiiyadii ganacsi ay horey u galeen

Date:

Nairobi-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Maanta dhiggiisa Wasiirka ganacsiga Dalka Kenya Mr. Peter G. Munya.

Wada hadallo dheer ka dib ayaa waxay Labada Wasiir ku heshiiyeen, in la hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, In la dheelli-tiro ganacsiga Labada Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Waddamada ku mideysan Ururrada EAC iyo COMESA, in Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro Kalluun iyo in Labada Wasaaradood ay iska kaashadaan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda.

Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sanadkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan lala galay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha Dalka oo muddo hooseeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...