Midowga Afrika oo soo dhaweeyay ka bixistooda AMISOM garoonka Stadium Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Ciidankoodu ugu saarayaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee  Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay Sacadihii la soo dhaafay in ay ka guuraan Garoonka Stadium Muqdisho, kaas oo muddo ka badan 10 Sano fariisin u ahaa.

Garoonka ayaa la dhisay Sanaddii 1978-dii, kaas oo lagu qabsan jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxayaan Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda Sportiga iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...