Kulan looga hadlayay dar-dar gelinta qorshaha kala guurka oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Kulan looga hadlayey ka baaraan-degga qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka ee ay AMISOM ammaanka Dalka ugu wareejineysao Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waqtiga dhaw ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Saraakiil sarsare oo kamid ah hoggaanka AMISOM, Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Aqoon yahano, Hey’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Nuxurka laga hadlayey ayaa ahaa sidii Bulshada Soomaaliyeed loo fahimsiin lahaa qaabka ugu wanaagsan oo Ciidanka Qaranka ammaanka ula wareegayaan, iyadoo laga maarmayo Ciidamo kale oo caawiya.

Cabdi Saciid oo ah lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa tilmaamay in hadda Ciidanka Soomaaliya diyaar u yihiin lawareegida ammaanka Guud ee Dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan AMISOM kala wareegno ammaanka guud ee Dalka, taas hadda mar kasii horreysay ayaan billownay, Bilihii ugu danbeeyey waxaan ka shaqeyneynay qorshaha kala guurka” ayuu yiri, Taliyaha ammniga Qaranka.

Simon Mulongo, ah ku xigeenka Madaxa AMISOM ayaa tilmaamay in xoogagga midowga Afrika aysan u iman inay Soomaaliya waligood joogaan, balse ay u yimaadeen caawinta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay AMISOM doorkeeda ka ciyaarayso qaabka SNA loogu wareejin lahaa dhawaan ammaanka Dalka.

“AMISOM halka uma iman inay waligeed lajoogto Dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ay AMISOM u timid in ay caawisa Dadka Soomaaliyeed ,taasna waxaa ay ka mid tahay qorshayeesaha ugu waaweyn” ayuu yiri, Simon Mulongo.

Dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibbadeeda Beesha Caalamka ayaa haatan wada qorshayaan ku saabsan sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha kala guurka, waxanay Ciidamada xoogga Dalka iyo Saraakiisha hoggaamineysaba isu diyaarinayaan in ay AMISOM kala wareegaan ammaanka guud ee Dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay Maalmihii inna dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM wadeen Guluf ballaaran oo ka dhan ah nabad diidka, iyagoo kala wareegay degaanno badan oo ay markii hore ku sugnaayeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...