Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo ka qeyb galay Carwada Bandhiga Buugaagta Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV);- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qayb galay carwada Bandhiga buugaagta Muqdisho Sanadkii 4aad, ( The Mogadishu Book Fair  -the 4th Annual Book Fair)  oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu deeqay Maktabadda Buuugaagta ee Cadaado 30-Book Halka uu Maktabadda Buugaagta ee Garbahaarayna ugu deeqay 10 Book,isagoo gaar ahaanna u iibsaday Buugaag kale.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee maanta ka qeyb galay carwada Bandhiga buugaagta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Madasha uu ka dhacayo Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar ) ayaa shalay daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...