Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadahii lasoo dhaafay howl-gallo lagu baacsanaya argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ujeeddada howl-galkan uu yahay cirib tirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah Dalka iyo in ay soo celiyaan nabadda iyo sharciga.

Hoggaanka Taliska xoogga Dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan aad u sarreeyo iskaashiga ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed la leeyihiin leeyihiin AMISOM iyo saaxiibbadooda kale, taasoo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysan Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, waxanay sidoo kale la wareegeen degaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay muujinayay feejignaan dheeri ah, taas oo ay barbar socdaan weerarro lagu baacsanayo Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab, iyagoo isu diyaarinaya in ay dhawaan la wareegaan amniga guud ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...