Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo loo diiday Yurub

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ugu yaraan 67 ruux oo isugu jira qaxooti Soomaali iyo Eritrea ah oo saaran Markabka Aquarius ayaa loo diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub, waxayna taagan yihiin badda Mediterranean-ka.

Saraakiil ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay sheegeen Qaxootigan inay ku jiraan caruur, islamarkaana ilaa hadda ay la’yihiin wadan qaabila oo magangalyo siiya.

Talyaaniga ayaa wuxuu Britain ka dalbaday in uu qaabilo qaxootigan oo tiradoodu guud gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean.

Markabka ay saaran yihiin qaxootigan aya waxaa ka dul babanaya calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain, sidaasi darteed ayuu Talyaaniga uu codsi ugu jeediyay UK.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga ayaa waxa ay ku taliyeen in la tixgeliyo xaalada ay ku sugan yihiin qaxootigan, waxayna ku baaqeen in la badbaadiyo dadkan, si noloshooda ay u sii wataan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, balse haweeneydan ayaa  raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

Markabka The Aquarius oo bishii June ee sanadkan soo badbaadiyay illaa 630 qaxooti ah kadib markii ay iska soo celiyeen dalalka Talyaaniga iyo Malta ayaa dib u bilaabay toddobaadkii la soo dhaafay soo badbaadinta qaxootiga doomanka ka soo raacaya dalka Libya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...