Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Dastuurka oo wada kulmay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelinta howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa wasaarada dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...