Ciidanka xoogga Dalka iyo AMISOM oo kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Muqdisho Axad August 12 (SNTV):-Ciidamada wada jirka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dar-dar geliyay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ay Todobaadkan ka wadeen degaanno ka tirsan Shabeellada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka midowga Afrika ayaa Maanta oo Axad ah Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegtay in howl-gallada ay soo billoowdeen Khamiistii inna dhaaftay, haatanna ay marayaan meel wanaagsan.

Col; Xuseen Xoosh, oo ah taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howl-gallada Milatari ee wadajirka ah ay ujeedadoodu tahay in lagu baabiโ€™iyo fariisimaha ay kooxda xiriirka la leh ย Al-Qaacidda ku leedahay degaannada muhiimka ah ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

โ€œHawl-galku waxa uu ย fariin xooggan u yahay Kooxda argagixisada ah, si ay isu soo dhiibaan oo ay ugu baxaan falalka gurracan ee ka dhanka ah Shacabka iyo Dowladda sharciga ku dhisan ee Soomaaliyaโ€ ayuu yiri Taliye Xoosh.

Ciidamada wada jira ayaa Maalmahan Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah arxan laawayaasha Al-Shabaab, iyagoo ka saaray degaanno badan oo hoos taga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada hoose, waxanay sidoo kale ku dileen horjoogayaal ka tirsanaa nabad diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale