Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay lagu furay Kaaraan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Daahfurka Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay ka hirgalay Degmada Kaaran.

Masuuliyiin ay kamid tahay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Maamulka degmada Kaaraan iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay barnaaamijka iyadoo daawasadiisuna ay goob joog u ahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir.

Barnaamijkan ayay dhalinyarada Muqdisho ku soo bandhigi doonaan  Hibada Allh siiyay, waxaana sidoo kale barnaamijkan lagu wareejin doonaa qeybaha kale ee degmooyinka gobalka Benaadir.

Dhawaan ayay aheyd markii gobalka Banaadir uu qabtay tartanka Feerka sodon-sano kaddib kaasi oo isna ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobalka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...