Qaramada Midoobay Oo baareysa Carruurti lagu laayey Yemen.

Date:

New York Sabti August 11(SNTV):- Kulan ay ku  yeeshaan magaalada Newyorka,Golaha Ammaanka ee JImciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayey  kaga hadleen duqeyntii lagu dilay caruur badan oo Yemaniin ah,iyadoo dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen,xili ay saarnaayeen gaari bus ah.

Waxaa kulanka kadib Goluhu uu isku raacay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga,xili Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen uu khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Karen Pierce oo ah kusimaha Madaxa Golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in loo baahanyahay baritaan dhab ah oo arrintaasi ku aadan,si looga jawaabo.

Duqeymahaasi ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo lagu dilay duqeyntaasi,halka tiro intasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in baadhayaan dhacdadaas.

Dalka Yeman ayaa dagaalada ka socda waxaa ay saameeyeen nolosha malaayiin ruux  oo ka barakacay guryohooda,kumanaan ayaa ku geeriyootay,halka tiro kale aad u badana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...