Qaramada Midoobay Oo baareysa Carruurti lagu laayey Yemen.

Date:

New York Sabti August 11(SNTV):- Kulan ay ku  yeeshaan magaalada Newyorka,Golaha Ammaanka ee JImciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayey  kaga hadleen duqeyntii lagu dilay caruur badan oo Yemaniin ah,iyadoo dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen,xili ay saarnaayeen gaari bus ah.

Waxaa kulanka kadib Goluhu uu isku raacay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga,xili Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen uu khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Karen Pierce oo ah kusimaha Madaxa Golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in loo baahanyahay baritaan dhab ah oo arrintaasi ku aadan,si looga jawaabo.

Duqeymahaasi ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo lagu dilay duqeyntaasi,halka tiro intasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in baadhayaan dhacdadaas.

Dalka Yeman ayaa dagaalada ka socda waxaa ay saameeyeen nolosha malaayiin ruux  oo ka barakacay guryohooda,kumanaan ayaa ku geeriyootay,halka tiro kale aad u badana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...