Shir looga hadlayo xaaladda Dhulka Soomaalida Itoobiya oo la filayo inuu ka dhaco Addisababa

Date:

Addis ababa-(SNTV)-Madax sare oo ka tirsan Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Addis Ababa Maanta oo Jimac ah, si looga xaajoodo xaaladda adag ee ka jirta halkaas, sida laga soo xigtay Wargayska Addis Standard News ee kasoo baxa Addis Ababa.

Warka ayaa intaa ku daraya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka socda Golaha fulinta Xisbiga talada haya (Xisbiga Dimoqraaddiga Soomaalida Itoobiya, (ESPDP) ay ka mid yihiin wafdiga la filayo inay shirka ka qayb galaan.

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga ESPDP oo ahaa Madaxwaynihii hore ee Gobolka, Cabdi Maxamuud Cumar,  ayaa weli ku jira xabsiga dhexe ee Addis ababa, tan iyo markii ay Ciidamada Federaalka Itoobiya qabteen Talaadadii Todobaadkan, isagoo talada hayay tan iyo iyo 2005-tii.

Lama oga Ajendaha dhabta ah ee shirka loogaga hadli doona, balse waxaa lagu wadaa in arrimaha ugu weyn ee Miiska saaran ay noqon doonaan Awoodda xad dhaafka ee ay adeegsadeen Ciidamada Federaalka, rabshadihii dhacay iyo xarigga Cabdi Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu geystay gabbood fallo ka dhan ah Aadanaha, xabsi dheer, dilal iyo jirdil, waxaa sidoo kale loo haystaa adeegsiga Ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo Dad ku laayay Gobolka Oromada.

Ururrada u ololeeya xuquuqul Insaanka iyo Dadka adeegsada baraha Bulshada ayaa sare u qaaday kiisaska lagu soo eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya, taasoo keentay inuu is casilo xilkana ku wareejiyo Wasiirkiisii hore ee Maaliyadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...