Madaxweynaha oo Garsooreyaal cusub u magacaabay Maxkamadda sare

Date:

Muqdisho, Ogoosto 9, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, ย keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

โ€“ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

โ€“ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

โ€“ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

โ€“ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

โ€“ย ย ย ย ย ย Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ย ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

โ€“ย ย ย ย ย ย Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...