Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Date:

Muqdisho Tallaado Augus 7 (SNTV):- C/rxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Inta badan dhalinyaradda ay marin habaabiyeen horjoogeyaasha danleyda ah ee Alshabaab ayuu C/raxmaan sheegay in aysan qanaaco ku qabin, isaggoo ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha JFS iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

C/raxmaan Xuseen Wardheere, ayaa dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxsaday kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Falalkii guracnaa ee kooxda Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii uu kamid ahaa C/rxamaan Xuseen Wardheere, ayuu xusay in uu ka qoomameynaayo, uuna ka xun yahay dhibaatadaasi, isaggoona cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed.

C/rxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka fekerka munxarifka ah ee Alshabaab ku xalaaleysteen dhiigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...