Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Date:

Muqdisho Tallaado Augus 7 (SNTV):- C/rxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Inta badan dhalinyaradda ay marin habaabiyeen horjoogeyaasha danleyda ah ee Alshabaab ayuu C/raxmaan sheegay in aysan qanaaco ku qabin, isaggoo ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha JFS iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

C/raxmaan Xuseen Wardheere, ayaa dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxsaday kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Falalkii guracnaa ee kooxda Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii uu kamid ahaa C/rxamaan Xuseen Wardheere, ayuu xusay in uu ka qoomameynaayo, uuna ka xun yahay dhibaatadaasi, isaggoona cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed.

C/rxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka fekerka munxarifka ah ee Alshabaab ku xalaaleysteen dhiigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...