Ciidamada xoogga dalka ayaa la wareegay deegaanka Daniga ee duleedka
bari ee degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Hawlgal qorshaysan ayaa waxaa fulinaya ciidan si gaar ah u tababaran
oo kaashanaya la hawlagalayaal caalami ah, waxa ay ka saareen
Maleeshiyada Al-shabaab, waxaana deegaanka Daniga oo 15-km dhinaca
bari ka xiga Balcad, haatan ka socda hawlgal looga saaryo Miinooyinka
ay ku aaseen wadada ku xiriirisa Balcad.
Ciidanka ayaa ku jahaysan deegaano kale oo hoos yimaada Balcad si ay uga sifeyaan Maleeshiyada Al shabaab deegaanadda hoostaga gobolka Shabeelah Dhexe,
halkaas oo dhawr mar Madaafiic looga soo tuuray magaalada Balcad.
Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in uu jiro qasaare soo gaaray Maleeshiyada, ayna dib ka faahfaahin doonaan marka
hawlgalkan oo haatan socda uu soo gabangaboobo.