Wasiiradii uu magacaabay Ra’iisulwasaare Kheyre oo xilkooda loo dhaariyay

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

“ Mudane Guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix mas’uul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye mas”uuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumadda” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

  1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
  2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
  4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...